Afgambigii Burundi oo dhicisoobay Madaxweyne Pierre oo ku noqday Burundi
May 15, 2015 - Written by Editor
Burundi:-Laba lataliye Boolis iyo Generaal isku dayay maalintii Arbacada ahayd, in ay xilka ka tuuraan madaxweynaha Burundi Piere Nkurunzinza, ayaa lagu xiray caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.
Afhayeenka madaxweynaha, waloow uu sheegayo in hoggaamiyihii isku dayay afgambiga General Godefroid Niyombare, uu weli baxsad yahay.
Madaxweyne Pierre Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya dalkiisa wakhtigan, kaddib markii uu ku dhaawaqay in uu dalka ku soo noqday xalay.
Dadka kale ee la xirxiray ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka hoggaamiyaha afgambiga sameeyay Cyrille Ndayirukiye, iyo hoggaamiyayaal sar sare oo ku jira milatariga.
Ciidamo kale oo ku lug lahaa isku dayga afgambi ayaa isdhiibay. Waloow afhayeenka Booliska uu sheegayo in Generaal Godefroid Niyombare, oo horkacayay kacdoonkan uu weli baxsad yahay.
Mar sii horaysay Generaal Niyombar, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isdhiibo, kaddib markii uu fahmay in inta badan ciidamadda ay taageersan yihiin dowladda hadda jirta.
Madaxweyne Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya shacabkiisa saaka, kaddib markii uu dib uga soo laabtay dalka dariska la ah ee Tanzania, oo uu kaga qeybgalayay kullan gobalka ah, markii lagu dhawaaqay isku dayga afgambi.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa waxa uu tagay magaalada caasimadda u ah dalka Burundi, ee Bujumbura.
Waxa uu sheegay in uu xalay ku hoyday gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Ngozi, oo ku taalla bartamaha Burundi, qudbad la filayay in uu uga soo jeediyo shacabkiisa raadiyaha qaran, ayaan la qaban.
Dad ka agdhow madaxweynaha waxa ay sheegayaan in qudbadaasi la qabandoono galabta.
Taageerayaasha Nkurunziza, oo u badan dhalinyaro ka tirsan xisbiga talada dalka haya, oo loo yaqaano Imbonerakure, ayaa isu soo baxay wadooyinka iyaga lulayo caleemo, heesaya, dabaaldagayana.
Waxa ay isugu soo baxeen wadada weyn ee tagta madaxtooyada. Waxa ay sheegeen in ay sugayaan qudbadda madaxweynaha. Kolonyo gawaari iyo askar hubaysan ayaa waxa ay horkacayeen gaariga madaxweynaha.
Laakiin waa sawiro is khilaafaya markii loo eego xaafadihii ay ka dhaceen dibadbaxayaasha ka soo horjeeday madaxweyne Nkurunziza, in uu u tartamo jagadaasi mar sedexaad, ee diirada lagu saarayay labadii todobaad ee u dambeeyay.
Dad dibadbaxaya
Inta badan dadka waxa ay ka hadlayaan cabsi ah, in laga aargoosto. Weriyayaasha BBC, ayaa waxay goobjoog u ahaayeen jidgoon laga sameeyay agagaraaka Musaga iyo Bileys saaran mootooyin oo roonda sameynaya. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Bileyska ay rasaas ku fureen dibad baxayaasha.