Agaasimiha iyo Tifaftiraha Radio Daljir Garowe oo lagu xiray magaalada Garoowe
May 23, 2015 - Written by EditorGarowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in Ciidanka booliska gobolka Nugaal ay saaka xabsiga dhigeen Agaasimaha idaacada Radio Daljir ee Garoowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gaardi iyo Tifafriraha idaacada Jamaal Faarax Aadan.
Ciidmada Booliska oo ay la socdaan kuwa PIA ayaa fuliyey howlgalada lagu xiray Agaasimaha idaacada Daljir iyo iyo Tifafriraha Radio Daljir ilaa iyo haatan si rasmi ah uma aysan shaacin saraakiisha amniga ee gobalka Nugaal sababaha loo xiray labada wariye.
Agaasimaha Guud ee idaacada Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tall Man ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Booliska ay xoog ku soo galeen xarunta idaacada ka dibna ay kaxeysteen Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gaardi iyo Jamaal Faarax Aadan.
Ilo wareedyo ku sugan magaaalada Garowe oo ayaa u sheegay Halgan.net in Idaacada Daljir ay shalay sii daysan barnaamij ku saabsan xaalada Amaanka,tan shaqaalada iyo Siyaasada Guud ee dalka waxayna dhaliil u soo jeediyeen xukuumda Puntland.
Ururka suxufiyiinta ee MAP oo cambaareeyay xariga loo geystay Agaasimaha idaacada Daljir ee Garoowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gaardi iyo Tifafriraha idaacada Jamaal Faarax Aadan .
Gudoomiyaha MAP Faysal Khaliif Barre iyo Agaasimaha guud ee Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ayaa waxay ku tilmaameen xarriga wariyaashaan mid aan loo marin wado sharci ah waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin.
Xarigga agaasimaha iyo tifatiraha Radio Daljir Garowe ayaa ku soo aadaya afar maalmood ka ddib amrkii Puntland ku xirtay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV.
A/Cawale
Halgan.net