Al-Minhaaj Garoowe oo lacag dhan 21 kun oo dollar ku wareejisay Sh Maxamuud Xaaj Yuusuf.[Masawiro]

May 26, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-05-26-10h48m23s91Garoowe:-Mu’asasada a Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal ayaa maal mihii lasoo dhaafay waxay ka aruurisay ilaa 4 masjid ee ugu waa weyn garowe lacag dhan $21,049,00 waxayna ku wareejisay Xubin ka mid ah gudiga taakulaynta qaxootiga ka soo barakacay Dalka Yeman Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf .

Culimada ka socotay Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ku doonayaan in ay dhaqaale ku gaarsiiyaan walaalahooda ka soo barakacay dagaalka Yeman waxaana ka mid ahaa Culimadii goobta ka hadashay.

1. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf ooo ah xubin ka mid ah Gudiga Guud ee Gurmadka Qaxootiga Yeman

2. Sh.Dalmar Guureeye Kaarshe Gudoomiyaha Golaha Shuurada Al-Minhaaj Garowe

3. Sh.C/qaadir Cabdi Salaam Siyaad Gudoomiyaha Xafiiska Dhaqaalaha Al-Minhaaj Garowe

4. Sh.C/laahi Sh.Yuusuf Xubin Dacwada Gobolka.

Ugu dan bayntii waxaa lacagtaan lagu wareejiyay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf waxaana Sheekhu cadeeyay Islamarkiiba In ay ku dhacday gacanta gudiga sare oo ay ka mid yihiin Sh.Daahir Aw cabdi iyo Sh.Axmed Yuusuf Daad waxaana sheekhu dhamaan Bulshadii la baxday lacagaha Eebe ugu baryay in wax ka khayr badan ugu badalo.

no images were found

Nuur Jaamac Adan
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online