Ciidamo tababar ku soo qaatay Xeradda Xorgoble ee Qardho oo soo gaaray Bosaaso.[Masawiro]
May 11, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa caawa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Ciidamo fara badan oo ah kuwa Birmadka ah kuwaas oo tababar loogu soo xiray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Ciidamadaan Birmadka ah ayaa in mudo ah waxaa ay tababar uga socday Xeradda Xorgoble ee magaaladda Qardho ayaa waxaa horkacayey Col. Cismaan Xassan Cawke (Afdalow) oo ahaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Gobolka Bari.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay Saxaafadda ayaa u sheegay in sababta ciidamadaan loo keenay Boosaaso ay tahay in ay xoojiyaan nabadg elayada magaalada maadaama ay soo qaateen tababar fiican isagoo dhan kale xusay ijn ay socdaan shirar kale duwan oo looga hadlay sugida amaanka oo ay leeyihiin Saraakiisha Ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in ciidanku ay
ka go’an tahay sugida amniga magaalada Boosaaso iyadoo la isla qaatay arrinkaasa wada shaqayn lala samaynayo laamaha kale duwan ee ciidanka gaar ahaan Hay’addaha Sirdoonka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ugu danbayn sheegay in la soo saari doono Istaraatijiyada ay ciidanku ku howl gali doonaa iyagoo wada shaqayn ka hellay dadweyaha iyo masuuliyiinta xaafadaha.
Ciidamadaan ka yimid magaalada Qardho ayaa waxaa ay wateen qalab ciidan oo kale duwan waxaan ay markii ay soo gaareen xalay magaalada Boosaaso ay xaafadda qaarkood ka bilaabeen howl galo lagu adkeynayo amaanka magaalada.
Ciidamada ayaa waxaa ay dadweynaha reer Boosaaso iyo gaadiidka ku amreen in aysan wax hub ah ku dhex wadan karin magalaada dhexdeeda, magaalada Boosaaso ayaa weeraro waxaa ka fuliyey dhowr jeer xubno ka tirsan Al-shabaab iyagoo isticmaalaya toogashooyin iyo Bam gacmeedyo.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net