Dufcadii 3aad ee ka qalinjabinaysa kulliyada shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe
May 15, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta ka qalinjabisay Dufcada 3aad ee Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe oo iyadoo galabta loo qabtayArdayda xaflad maamuusid ah ayna goob joog ka ahaayeen Macalimiintooda waxaan xaflada ay ka dhacday Hall-ka shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe.
Waxaa xafladda ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Jaamacada Faraca Garowe, Hormuudka kulliyada shareecada faraca Garowe, Hormuudyada kale, macallimiinta Jaamacada, ardayda, waalidiinta iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay Prof. Gaashaan iyo Dr. C / casiis Cabdi Faarax.
Ardayda ka qalin jabisay Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ayaa waxaa tiradoodu ay ahayd 28 Arday oo 10 ka mid ah ay ahaayeen gabdho waxaa gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo Hadiyado maamulka iyo macalimiintooda.
Waxay kale oo ku deeqeen sanaadiiq lugu uruurinayo masaaxifta googo’day. Ardaydu waxay ballan qaadeen inay dacwada si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaan, ayna Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada la shaqayn doonaan.
Waxaa wax xusid mudan in ardayda ka qalinjabisay Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ay soo bandhigeen Majallad ay soo saareen.
Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ay ugu tahniyadeeyeen Ardayda waxbarashada ay u soo dhabar-adaygeen iyo sida xilkasnimada leh ee ay macalimiin tooda u maamuuseen waxaana Ilaahay uga baryaynaa inuu hammigooda sare u hirgaliyo.
M_M_Deeq
Halgan.net