Guddiga shirka wadatashiga beelaha Puntland oo shaaciyay xilliga iyo goobta lagu qabanayo shirka
May 21, 2015 - Written by EditorGarowe:-Gudiga qabanqaabada shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga iyo goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga beelaha wada dega Puntland waxaana ay shirjaraa,id ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) oo ah Gudoomiyaha guddiga loo saaray shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa sheegay shirka in lagu qaban doono magalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kowda bisha lixaad ee sanadka 2015.
Gudoomiyaha guddiga shirka wadatashiga beelaha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) ayaa sheegay in shirka wadatashiga beelaha Puntland uu socon doono mudo 10 cisho ah ayna ka soo qeyb gali doonaan 253 ergo oo ka socota beelaha Puntland.
Shirka wadatashiga Beelaha Puntland ayaa waxaa looga hadli doonaan xoojinta midnimada beelaha Puntland ,xalinta khilaafaadka , sugida amaanka deegaanada Puntland iyo dib in loo eego shirkii lagu unkay 1998.
Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) ayaa waxaa ay saxaafada weydiisay sababaha shirka loogu qabanayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wuxuuna sheegay in Gaalkacyo ay ka mid tahay Puntland ayna muhiim tahay in shirka lagu qabto si loo baahiyo Maamulka Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net