Gudiga gurmadka culimada Soomaaliyeed ee Boosaaso oo ku howlan ambabixinta qaxootiga ka yimid Yeman.[Masawiro]
May 29, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Gudiga gurmadka culimada Soomaaliyeed ee magaalada Boosaaso iyo Mu’ssadda Al-min haaj oo is garab sanayan ayaa waxaa ay saaka ku howlan yihiin in ay u amba bixiyaan dadkii Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaad Yeman la gaarsiiyo gobolladii ay ka yimaadeen oo ay ehelkoodu deganaayeen.
maalmo ka hor ayaa waxaa soo gaaray dekada Boosaaso ku dhawaad 2413 oo ka soo cararay dagaalada ka socda Yeman, culimada Boosaaso iyo Mu’ssadda Al-minhaaj iyo xubna ka tirsan dowladda Puntland ayaa uga hor tegay dekadda Boosaso iyagoo u fidiyey gurmad kale duwan waxaan ay dejyeen goob loo asteeyey in la deji qaxootiga ka imaanaya dalka Yeman ka dibna laga amababixiyo.
Gudiga gurmadka culimada ayaa saaka u howl galo in uu qaar ka mid ah dadkii ka soo cararay colaad yeman uu u raro deegaanadoodii iyagoo culimadu iyo ganacsatada reer Boosaaso ay dadaal xooggan ugu jiraan gurmadka walaalahood dhibaataysan.
Dhinac kale Gudiga gurmadka culimada , Mu’ssadda Al-minhaaj , ganacsatada Boosaaso , Ardayda, dadweynaha iyo dowladda Puntland ayaa wada gurmad wixii tabar ah in loo fidinayo dadweynahaan Soomaaliyeed ee tabaalaysan walow hawshu ay hadda tahay mid culus maadaama maamulka S/land uu hakiyey in Soomalida ka imaanaysa Yeman ay ka soo degaan dekkada weyn ee Barbara.
Waxaa mar kale ay gudiga gurmadka culimad Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ay ugu baaqayaan Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee dhibaataysan si loo gaarsiiyo goobihii ay markii hore ka tageen.
Hooyo Soomaaliyeed ayaa aad uga ilmaysay markii ay aragtay gurmadka ay u fidinayaan culimada iy shacabka reer Boosaaso iyadoo ku baaqday in gurmad lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee aan weli ka imaan Dalka Yeman.
Haddii aad doonayso in aad caawiso walaalahaa Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka soda dalka yeman la xiriiri culimada Hoos ku qoran:-
1. Sheekh Daahir Aw-Cabdi +252907726104
2. Sheekh Axmad Yuusuf Daad +252907793171
3. Sheekh Maxamad Macallin +252907796364
Ama Accountiyadaan Hoos ku qoran:-
-Acconka Dahabshiil;- 005341.
-Acconka Salaam Bank;- 80125795.
-Sahal Accoun;-445941.
no images were found
Hoos ka Daawo Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ku baaqay in loo gargaaro walaalaha soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman
M_M_Deeq
Halgan.net