Gudoomiyihii Guddiga dib u eegista Dastuurka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo is casishay.[Dhagayso]
May 6, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa saaka si rasmi ah shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay kaga dhawaaqday in ay xilkaas iska casishay.
Gudoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa xustay in sababaha ay isku casishay ay tahay walaac ka jiray qaabka shaqo ee gudiga iyo in Dastuurka Federaalka Soomaaliya aysan isku aragti ka ahayn Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobolleedyda xubnaha ka ah.
Hoos ka eeg qoraalka ay saxaafaddu u qaybisay Gudoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya Marwo Caasho Geelle Diiriye.
no images were found
no images were found
no images were found
no images were found
Caasho Geelle Diiriye ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in waqtiga harsan aan lagu soo diyaarin karin dastuur dhammeystiran oo raali lagu wada yahay iyo iyadoo ay jirto fara gelin joogta ah oo lagu hayo shaqada gudiga oo ka imaanaysa dhinacyo gudaha iyo dibadaba.
Hoos ka Dhagayso shir jaraa’id ee Gudoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya Marwo Caasho Geelle Diiriye
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/els4xeikoo/caasho.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net