Madaxwene ku xigeenka dowladda Puntland oo u dhoofay Kismaayo
May 4, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwene ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdi xakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta waxaa uu u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose. Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madax tooyada Puntland waxan ay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa u jeedka safarkiisu yahay in ay ka qayb galaan xaflada caleema saarka Xildhibaanada iyo Gudoonka cusub ee maamulka Jubbaland.
Madaxwene ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdi xakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa inta uusan u dhoofin magaalada Kismaayo waxaa uu soo kormeeray xarumaha dowladda ee Gaalkacyo iyo weiba xaafaddaha magaalada oo ay waxyeelo u geysteen roobabkii ka da’ay magaalada oo saamayn ku yeeshay isku socodka magaalada.
Madaxwene ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdi xakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxaa uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinac caafimaadka maadaam ay roobku wax yeelo u geystay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyadoo laga baqayo in uu ka dhasho magaalaa Gaalkacyo cudura shuban biyoodka.
Madaxwene ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdi xakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu baaqay hay’addah gargaarku in ay u soo gurmadaan shacabka ku nool Gaalkacyo isagoo xusay in hay’addaha aan ka diiwaan gashanayn Puntland aysan ka howl gali karin Waqooyiga Gaalkacyo.
M_M_Deeq
Halgan.net