Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Garoowe dib ugu soo laabtay.[Masawiro]
May 8, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Cumar Camey ayaa maanta dib ugu soo laabtay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kadib markii uu safar maalmo kooban qaatay uu ku tagay magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb galay caleemasaarka baarlamaanka cusub ee Jubbaland.
Madaxweyne Camey iyo wefdigii uu hogaaminayey waxaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ugu soo dhaweeyey maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalakacyo, waxgarad, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Camey ayaa intaa kadib loo gudbiyey gudaha magaalada waxaana uu xariga kajaray Sheybaarka guud ee xanaanada xoolaha Puntland ahna mid ay dhammaan kawada faa’iideysanayaan shacabka Soomaaliyeed.
” Waa wax lagu farxo in maanta aan xariga kajaro sheybaarkaan casriga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka faa’iideysanayaan laguna baarayo xoolaha iyo dadka , waxaana aad ugu mahadcelin madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey.
Madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland oo gacanta ku haysa sheybaarkaan casriga ah ayuu Madaxweyne Camey kula dardaarmay inay ilaaliyaan qalabka si looga wada faa’iideysto muddo badana u yaaliin.
” Anaga ka dawladda ahaan wixii awood ah waan ku khasabanahay inaanu bixino , idinkana waxaa laydinka rabaa in dadaalkaan aad wadaan sii laba jibaartaan si shacabka reer Puntland uga faa’iideystaan waxtarkiina ” Ayuu yiri Eng. Camey.
no images were found
-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.