Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo dil toogasho ah lagu xukumay
May 16, 2015 - Written by EditorQaahira:-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo ay ciidanka milatariga xukuna ka tuureen ayaa maanta maxakamad ku taal dalka Masar waxay ku xukuntay dil toogasho ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa ay maxkamadu ku eedeysay in uu masuul ka ahaa maxaabiis ka baxsatay xabsi ku yaalla dalka Masar .
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa si weyn ugu guuleystay doorashooyin ka dhacay dalka Masar waxaan uu ka tirsanaa Maxamed Mursi Ururka Ikhwaanul Muslimiin .
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa la soo taagay dhowr mar Maxkamadaha dalka Masar waxaana lagu riday xukuno kala duwan ,Maxakamadan tii ka horeysay ayaa Maxamed Mursi ku xukuntay 20 sano xarig ah.
Shacabka dalka Masar ayaa wada banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan hogaamiyaha milatariga ee dalka Masar Cabdifitaax Siisi ee xukunka ku qabsaday inqilaab wuxuuna xiray oo laayey dadweyne badan oo Masaari ah waxaana xabsiyada ka booxa Hogaamiyaashii Ururka Ikhwaanul Muslimiin.
M_M Deeq
Halgan.net