Puntland oo si buuxda u qaadacday ansixinta iyo magacaabista gudiyada Doorashooyinka , Adeega Garsoorka , Xuduudaha iyo Federaalka.[Dhagayso]
May 8, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Dawladda Puntland waxaa ay si buuxda u qaadacday ansixinta iyo magacaabista gudiyada Doorashooyinka , Adeega Garsoorka ,Xuduudaha iyo Federaalka oo ay magacowday Dawladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeen ka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin C/llaahi Cumar Camey oo warbaahinta qeybaheeda kala duwan kula hadlay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya jebiyeen qodob dastuuri ah kaasi oo dhigaya in dawladaha xubnaha ka ah federaalka latashiyo lagala sameeyo magacaabista gudiyadaas.
Madaxweyne Camey waxaa uu sidookale qiray in dawaldda federaalka Soomaaliya xad gudub ku samaysay hashiisyadii ay Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah ku gaareen Puntland, kaasi oo qodob kamid ah uu dhigayey in gudiyada lasamaynayo lagala tashado dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee uu Madaxweynaha dowladda Puntand Eng. Cabdixakiin C/llaahi Cumar Camey ku qabtay magaalada Garoowe
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/4e44y00bdl/diidmo.mp3]-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.