Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dib ugu soo laabatay magaaalada Muqdisho (Masawiro)

May 27, 2015 - Written by Editor

IMG_4686Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, waxana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada golle, Saraakiisha Ciidanka, iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Jubaland iyo qaabka ugu hoboon ee loo xalin karo tabashooyinka ay ka qabanaa baarlamaanka cusub ee Jubaland qaar ka mid ah dadka deegaanku.

“Maamulka Jubaland si wanaagsan ayeey noo soo dhaweyeen, waaxana isla gaarnay is afgarad, kaas oo uu faafaahiyey Wasiiru Dowlaha Warfaafinta. Jubaland iyo dowlada federaalka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana waxay xukuumadu u saaraysaa guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah  hadii Alle Idm”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016.

no images were found

“Maamulka Jubaland waxaan iska xog waraysanay halka ay marayso isku dhafkii ciidanka iyo diyaarinta ciidankii loo qoondeeyey iney ka mid noqdaan ciidamada qaran ee hada uu socdo asaaskooda, waxaa kale oo isla soo qaadnay arrimaha dastuurka oo u dub dhexaad u ah in dalkaan la gaarisiiyo higsiga 2016” ayuu yiir markale RW Cumar.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka reer Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safakaas ahaa mid guul ku soo idlaaday.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Muqdisho Soomaaliya

media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online