Shirkada AMAL oo Wakiiladeeda u qabatey tababar ku saabsan habka lacag dirista iyo suuq-geynta (Masawiro)
May 15, 2015 - Written by EditorGothenburg :-Shirkada Xawilaada ee AMAL Express ayaa tababar muhiim ah oo ku saabsan habka loo diro lacagaha iyo suuq-geynta ugu qabatey magaalada Gothenburg Wakiilada ka hawlgala dalka Sweden oo tiradoodu ay gaareyso 43 Wakiil, waxaana tababarkan bixinayay Sharci yaqaano iyo aqoonyahan ku xeel dheer Sharciyadda, suuq geynta iyo maamulwanaaga.
Hab diris sharciyeedka lacagta
Ujeedada tababarkan, ayaa ahaa in aqoon loogu yeesho habka lacag dirista saxda ah, islamarkaasna aqoon loogu yeesho cidda direysa lacag aan hab sharci ah aheyn ama dambi ah iyo sida ay u muuqdaan cidda direysa.
Waxyaalaha ugu muhiimsan oo intii uu tababarkan socdey oo ahyed muddo 2 maalmood ah looga faa’iideystey ayaa waxaa ka mid ah sharciyadda cusub ee sanadkan 2015 soo baxey oo ay ugu muhiimsan tahay lacagta caddaanka ah ee hal mar hal qof loo diri karo inta ay tahay.
Suuq-geynta
Tababarkan ayaa waxaa sidoo kale looga faa’iideystay habka suuq-geynta iyo qancinta macaamiisha Xawaaladda AMAL EXPERESS si macaamiisheeda ay iminka heysato ay ugu sii nagaadaan kuwo cusubna ay ugu soo biiraan iyadoo waxyaalo badan oo hawl fududeyn iyo u adeegid hufan laga helayo shirkadda.
Shirkadda ayaa qalab uu ka muuqdo magaceeda oo ay ka mid yihiin Boorsooyin, joornaalka Kafaalo Magazine, Buugaag, Qalmaan ugu deeqdey Wakiiladda si ay iyakuna macaamiisha u gaarsiiyaan.
no images were found
Maxamed Aadan