Shirkada Golis oo Qaxooti ka yimd Yemen u ambabixisay Muqdisho.[Cod/Masawiro]

May 11, 2015 - Written by Editor

IMG_6674Boosaaso:-Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa maanta ku guulay satay inay ambabixiso 60 qof oo kamid ah dadka qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalada dalka Yeman kuwaas oo muddooyin kii dambe soo gaarayay magaaladda Boosaaso.

Dadkan oo ka koobnaa caruur haween iyo dad da’ ah ayay Golis u ambabixisay gobalada Koonfureed ee dalka, halkaas oo ay eheladoodu ku suganyihiin iyagoo loo kireeyay gawaari gaysa guryohoodi lana siiyay kharashaadkii ay jidka ku mari lahaayeen.

Madaxa waaxda xiriirka dadwaynaha Shirkadda Golis Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo maanta ku hawlanaa ambabixinta dadkan ayaa sheegay in talaabadan Golis ay u qaaday si loo gargaaro dadka dhibaataysan ee ka yimi Yaman islamarkaana doonaya inay ku laabtaan deegaannadoodi.

Sh, Fu’aad waxa uu sidoo kale sheegay inay hawshan sii wadayaan isagoo ugu baaqay ganacsatada inay doorkooda qaataan maadaama ay masuuliyad ka saarantahay u gargaarida dadka dhibaataysan ee ka imaanaya dalka Yaman.

“hawshan ay Golis u wado dadka dhibaataysan ee ka imaanaya dalka Yaman kuma eka maanta oo kaliya balse waan sii wadaynaa, doon walba oo timaadana waxaan ka qaadaynaa tirada maanta aan amba bixinay mid le’eg waxana ugu baaqayaa ganacsatada kale inay ka qayb qaataan gurmadka walaalaha ka imaanaya dalka Yaman” ayuu yiri Shiekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Gudoomiyaha guddiga taakulada qaxootiga Yaman Shiekh Axmed Yuusf Daad ayaa dhankiisa uga mahadceliyay shirkadda Golis doorka muuqda ee ay ka qaadanayso gurmadka qaxootiga ka imaanaya dalka Yaman isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka kale ee wax haysta inay gargaaraan dadkan oo uu xusay inay u baahanyihiin caawimaadooda.

Shirkadda Golis Telecom ayaa si guud iyo si gaar ahba uga qayb qaadatay gurmadka loo fidinayay qaxootiga xiliyadii ugu dambeeyay soo gaarayay magaaladda Boosaaso kana imaanayay dalka Yaman waxana horay ay u gaariisay qaybo kamid ah adeegyadeeda si ugula xiriiraan eheladooda.

no images were found

Hoos ka Dhagayso warbixin ay ka diyaarisay Idaacdda SBC  International ee Boosaso

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ei02d5r2aa/sbcboosaso.mp3]

Xafiiska Xiriirka dadwaynaha
Shirkadda Golis Telecom Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online