Shirkada xawaalada ee Amal oo lacag gaaraysa $20,000 ugu deeq day qaxootiga yemen kuna wareejisay Al-minhaaj.[Masawiro]
May 21, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Xalfad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xafiiska guud ee Mu’asasadda Al-minhaaj , ayaa bankiga xawilaada ee Amal uu deeq lacageed oo ay ugu tabarucday qaxootiga ka soo cararaya dagaalka kasocda dalka yemen ku wareejiyey mu’asasada alminhaaj.
Maareeyaha guud ee bangiga Amal mudane: dr.siciid cali shire oo Ugu horayntii goobta ka hadlay ayaa mahad celiyey culimada iyo mu’asasada al minhaaj dadaalka balaaran oo ugu jiraan taakulaynta dadka kasoo qaxaya dalka yemen .
Dr. siciid cali oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay shirkada xawaalada Amal iyada oo ajiibaysa qaylo dhaantii ay culimada iyo mu’asasada alminhaaj ay ujeediyeen ganacsatada soomaaliyeed ay ku deeqa yaan lacag dhan $20,000 ( labaatan kun oo doolar) oo ay isla madashan ku wareejinayaan mu’asasada alminhaaj , wuxuu kaloo xusay mudane siciid inay hawl galiyeen dhamaan maamulka Amal Group inay ku hawl galiyeen inay u samay-yaan qaxootiga yaman lacag ururin ( Fundraising) .
Sh.Daahir ow cabdi iyo sheikh maxamed macalin Axmed oo kamid ah culimada ugu caansan dalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyey una duceeyey shirkada Amal deeqdaas lacageed ee ay soo gaarsiiyeen culimada iyo mu’asasada alminhaaj .
Culimada ayaa ugu baaqay ganacsatada shirkacadaha dhaaman dadka wax haysta ee soomaaliyeed in ka qayb qaataan ugargaarida daadkaas qaxootiga ah ee kasoo qaxay dalka yaman , ayadoo hada sida la sheegayo ay ku soo fooleeyihiin deegaanada puntland in ka badan 5000 oo qof, deeqdaana ay ku filan tahay in lagu raro dad gaaraya ilaa 250qof . culimada aya sidoo kale ugu baaqay dowlada federaalka soomaaliya maamulka puntland iyo maamulada kale in ay u guntadaan soo rarida iyo meelaynta qaxootiga dalka yemen ka soo qaxaya.
Intaa kadib shirka Amal ayaa waxay ku wareejisay maamulka mu’asasada alminhaaj iyo culimada lacagtii ay ku deeqday oo kaash ah, taasoo gaaray say $20,000 oo doolar .
Gabagabadii xaflada waxa gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj ayaa ku wareejiyeen gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga kasoo qaxay dalka yemen Sh.Axmed Yuusuf Daad oo xaflada ka soo qayb galay.
no images were found
Xafiiska wararka Mu’asasada Al-Minhaaj