Suldaan Cabdiqani Qorane oo lagu soo dhaweeyey degmada xarfo.[Masawiro]
May 21, 2015 - Written by EditorXarfo:-Waxaa maalinti shalay lagu soo dhaweeyey degmada Xarfo ee gobolka Mudug wafdi uu hogaami nayo Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) Sh. Cabdi qani Qorane Maxamed oo dhawaan beeshu ay xilkaas u dooratay.
Wafdiga uu horkacayey Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey duleedka degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, Suldaan Cabdi Qani Qorane ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelyey Nabadoono, Ganacsato, Aqoon yahano iyo weliba gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.
Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ayaa markii gaaray degmada xarfo ee Gobolka Mudug waxaa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey xarunta dugsiga sare iyadoo xafladu ay ka soo qayb galeen maamulka degmada Xarfo, Nabadoono Cuqaal, Waxgarad, iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.
Dhamaan waxgaradkii kala duwanaa e goobta ka hadlay ayaa waxaa ay Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ugu duceeyeen in Alle xilkaas loo gartay Alle u fududeeyo iyagoo isku wada raacay in xilka uu u qalmo Suldaanka uuna yahay shaqsi aqoon u leh dhinac diin iyo maadigaba.
Duqa degmada Xarfo C/ftaax Daahir Cumar iyo Gudoomiye xigeenka Barlamanka Puntland oo goobta ka hadlay ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey xilka Suldaanka loo gartay waxaan ay sheegeen in xilkaas uu u qalmo Shiikh Cabdiqani Qorane.
Ugu danbayntii ayaa Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane waxaa uu soo xiray xaflada isagoo u mahad celiyey bulshadii soo dhaweysay oo dhan waxaan uu u balan qaaday in beesha uu ku kala xukm doono Kitaabka Alle isagana marjiciisu uu yahay Kitaabka Alle.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net