Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land waan joojinay Qaxootiga Soomaalida ee ka imaanayey Yemen.[Dhagayso]
May 24, 2015 - Written by EditorHargeysa:-Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Waran Cadde oo maanta Shir jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee Xarunta S/land ayaa sheegay in Soomaalida ka imaanaysa dalka Yeman ay joojiyeen in ay yimaadaan S/land isagoo arrinkaas ku macneeyey in Hay’addaha caalamiga ay diideen in dadka Soomaaliyeed ay caawiyaan iyo S/land oo wal wal ka qabta arrinta nabadgelyadda.
Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24/05/2015 ay xiran yihiin dekaddaha S/land oo aan loo ogolayn in ay yimaadaan Qaxootiga ka soo cararaya Dalka Yemen ee Soomalaida ah.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa waxaa kale oo uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in Soomaalida ka soo carartay dagaalada ka socda dalka Yeman ay wixii tabartood ah ay u qaban doonaa ka dib markii ay hay’adduhu diideen in ay caawiyaan Soomaalida.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Somaliland ay soo gaareen dad Soomaali ah oo ka yimid dalka Yeman oo gaaray ilaa 3,000 oo qof.
Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/r6zfnuvssq/warancadde.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net