Wasiirka warfaafinta PL Cabdiwali Xirse Indha-Guran oo ka hadlay shirka ka socda Garoowe[Dhagayso]
May 1, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka waramay khilaafka taagan ee u dhexeeya gudoyada Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland kuna saabsan maamulka gobollada dhexe laga dhisayo.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran ayaa sheegay in dowladda Puntland iyo madaxdeedu ay ku adkeysanayaan in madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Federaalka ay si cad u caadeeyaan mowqifkooda ku aadan Gobolka Mudug.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran ayaa xusay in aan la aqbali karin in maamul jiray 17 sanno la burburiyo ama la kala dhantaalo sidaas darteedna ay doonayaa wax ka soo bax shirka in uu yahay wax cad oo heshiis ah oo aysan aqblayn is afgarad iwm.
Shirka jaraa’id ee Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili qado sharaf loogu sameynayo madaxda ku sugan Garoowe deegaanka Jibo-gale oo ku taal duleedka magaalo madaxda Puntland.
Hoos ka Dhagayso Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/2xe5gz1pie/indhaguran.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net