Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland oo Galkacyo lagu diley
May 8, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaana xildhibaanka la dilay xili uu ka soo baxay salaadii maqrib Masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.
Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) ayaa waxaa toogtay koox dabley ah oo ka tirsan Al-Shabaab waxaana ay ka baxsadeen goobta waxaana ceyrsaday qaar ka mid ah dadweynaha iyagoo Bam ku tuuray dadweynihii ceersanayey.
Madjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Puntland waxaana ay goobta ka qaadeen Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku dhintay toogashada.
Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa dilal kala duwan ay ka geystay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaana ay ku dileen nabadoon ,isimo, shaqaale ka tirsan dowlada hoose ,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net