Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo lagu dilay Muqdisho
May 23, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir xili koox hubaysan ay ku weerareen isagoo maraya Wadada Makka Al-Mukarama ayna u geysteen dhaawac uu markii danbe uu u geeriyooday.
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir ayaa waxaa la socday markii la weeraray Xildhibaan Cabdalla Boos oo uu soo gaaray dhaawac fudud.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir isagoona caafimaad Alle uga baryey Xildhibaan Cabdalla Boos oo dhaawac uu soo gaaray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cusmaan ayaa yiri ‘”Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Allaha u naxaristo dalkiisa ayuu u shaqaynayey.
Kooxda dishay Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in ay wateen gaari kuwa gurmadka deg deg ah ee loo yaqaan Ambalaasta iyagoo isla markiiba goobta ka baxsaday , Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Yuusuf Maxamed Dirir iyagoona u goodiyey Xildhibaanada kale ee ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net