Al-Minhaaj Iyo Jamciyada Shaariqa Al-Khayriya oo Makiinado ku wareejiyay Maamulka Xabsiga Garoowe.[Masawiro]

November 16, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-12-16-09h23m14s035-300x169Garoowe:-Waxaa Maanta oo isniin kuna beegnayd 16-ka November xaflad si heer sare loo soo agaasimay ka dhacday Xabsiga way ee Garowe halkaas oo Mu’asasada Al-Minhaj ku wareejisay Maamulka xabsiga dhaxe ee garoowe Makiinado farsamada gacmeed . Deeqda Makiinadaha ayaa waxaa bixisay jamciyada Shaariqa Al-khayriya ee fadhigeedu yahay dalka isu taga imaaraatka ,waxayna ka koobnayd 12 makiinada dharka , Makiinada Bulikeetiga , iyo Makiinada faryaamada .

Munaasabada oo lagu qabtay Xabsiga dhaxe ee Garoowe waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta ee Dawladda Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac iyo Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj Sh Maxamed Cabdilaahi iyo Taliyada Ciidanka asluubta ee puntland Janaraal Cali Nuur Cumar iyo Taliyaha xasbiga Garoowe gaashaanle Maxamed Xusayn Maxamuud iyo Dr cartan oo kamid ah dakhaatiirta caanka ah ee Puntland .

Ugu horeyntii waxaa Xaflada ka hadlay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Mudane Maxamed Cabdilaahi oo sheegay inay ku wareejiyeen Makiinado maamulka Xabsiga Garoowe isaga oo uga mahadceliyay wasiirka cadaalada iyo taliyaha ciidanka asluubta iyo taliyaha xabsiga Garoowe sida hufan ee ula shaqeeyeen Mu’asasada sidoo kalane wuxuu u mahadceliyay isaga oo balan qaaday inay kala shaqeyn doonaan wasaarada cadaalada iyo taliyaha ciidanka asluubta Horamarinta xabsiyada .

Sidoo kale waxaa isaguna xaflada khudbad qiimo badan ka jeediyay Dr Cartan oo sheegay in xabsiga uusan ahay goob lagu ciqaabo dambiilayaasha balse uu yahay goob lagu hagaajiyo dhaqanka maxaabiista .

Taliyaha ciidanka asluubta oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Mu’asasada Al-minhaaj iyo jamciyada shaariqa Al-Khayriya ee deeqdaan soo gaarsiiyay xabsiga Garoowe.
Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xirey wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta ee Dawladda Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac oo ku amaanay Mu’asasada Al-minhaaj dowrka wanaag san ee ay kaga jirto horumarinta bulshada waxaana uu ugu dardaarmay Mu’asasada Al-Minhaaj in ay sii wado dadaalkeeda waxaana wasir Xabiib Dhanka  kale Maamulka xabsiga u adkeeyay in ay qalabkaan ilaashaan islamrkaana u isticmaalaan sidii ugu haboon.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online