Al-minhaaj oo Makiinadaha farsamada gacanta ku wareejisay Xabsiga Bosaaso.[Masawiro]
November 23, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Mu’asasada Al-Minhaaj Dacwada iyo Horamarinta ayaa ku wareejisay Xabsiga dhexe ee Bosaso qalab isugu jira 12 makiinadaha Harqaanka, Makiinadaha Bulkeetiga iyo makiinadaha Alwaaxda, Waxaana qalabkan loogu talagalay sidii maxaabiista ku jirta xabsiga Bosaso loo bari xirfadaha kala duwan ee gacanta
Munaasabad Kooban oo lagu qabtay xabsiga dhexe oo lagu wareejinayay Qalabkan waxaa ka qaybgalay Gudoomiye k/xigeenka gobolka Bari Axmed cabdullaahi Ciro, Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud, Gudoomiyaha mu’asasada Al-minhaaj Maxamed Cabdullaahi iyo taliyaha Xabsiga Bosaso Shire Siciid Maxamed .
Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Mihaaj Maxamed Cabdullaahi oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Qalabkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan Maxaabiista iyo askarta ilaalisa xabsiga Bosaso.Waxaa uu sheegay in qalabkan ay ugu talageen inuu wax ka bedelo wadciga maxaabiista.
….”””Qalabkan waxaa uu isugu jiraa makiinada alwaaxda,Makiinada Bulkeetiga oo halkii mar dhigaysa shan xabo, iyo labo tobon makiinadaha Harqaanka. Qalabkan waxaa fududayntiisa iyo ka shaqayntiisa waxaa leh Mu’asasada Al- Minhaaj, waxaana ku deeqday Jamciyada khayriyada ee Shaariiqa ee Dalka imaaraadka carabta” ayuu yiri guddoomiyaha minhaaj
….”“Waxaa laga marmaan ah in xabsiyada lagu soo kordhiyo xirfadaha iyo aqoonta si loo dhaqanceliyo maxaabiista la xukumay ee xabsiga ku jira” ayuu sii raaciyay Guddoomiye k/xigeenka gobolka bari Axmed cabdullaahi Ciro oo ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hay’adda minhaaj, waxaana uu sheegay in Qalabkan looga faa’iidaysan doono sidii maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay ku shaqaystaan.
…””Siyaasada dowladda puntland waa in maxaabiista dhaqankooda la bedelo, balse ayan ahayn in la ciqaabo, waa in loo bedelo maskaxiyan ahaan iyo aqoon ahaan”ayuu yiri
Sidoo kale, Duqa degmadda Bosaso Eng Yaasiin mire Maxamuud oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dhalinyarada xirfadaha gacanta yaqaana ee reer puntland ay aad u yar yihiin, oo aad loogu baahan yahay in dad yaqaana xirfadaha gacanta.
…””Anigu eng dhismaha ah ayaan ahay, markaan wax dhisi jiray wax ugu badan ee aan u baahnaan jiray waxay ahayd faryaamiiste, faryaamiistuhu waa ninka guriga qurxiya, waa ninka naqshadaha sameeya, markii maxaabiista wax la baro, oo ay xabsiga ka soo baxaan waxay noqon doonaan kuwa dalka wax weyn ku soo kordhiya” ayuu yiri
Gabagabadii, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Bosaso Shire Siciid Maxamed ayaa guddoomayay Qalabkan, waxaana uu sheegay in Xabsiga Bosaso uu yahay xarun lagu dhaqanceliyo, laguna baro xirfadaha gacanta Maxaabiista lagu soo xiro.
Taliyuhu wuxuu sheegay intii la bilaabay barashada xirfadaha gacanta ay xabsiga ka qalanjabiyeen 180 maxbuus oo baratay farsamada gacanta, kuwasoo ka koobnaa saddex dafcadood, waxayna barteen xirfadaha faryaamada, dhismaha iyo Harqaanka.
Xabsiga Dhexe ee Bosaso oo ah midka ugu weyn Puntland waxaa la dhisay Bartamihii Sanadihii sagaashaamadkii, Waxaa ku xiran Boqolaal Maxaabiis ah, Xabsigu wuxuu leeyahay xarumo lagu tababaro maxaabiista ku xiran, Waxaana yaal qalabyo kala duwan oo wax lagu baro.
no images were found
Ciise Siciid
Boosaaso, Halgan.net