Dr.Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Isbadalka Gudoonka Baarlamaanka Puntland

November 10, 2015 - Written by Editor

Cali XaaijGaalkacyo:-Dr.Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn Puntland looga yaqaan ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweeyey hambalyo iyo bogaadin u diray Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi  wuxuuna bogaadiyey sidoo kale labada musharax ee tartanka la galay Gudoomiyaha kuwaas oo kala ahaa  Dhoobo Daareed iyo Xildhibaan Surcad.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay in xukuumada madaxweyne Gaas ,laba gole ee dowlada Puntland ay u taal howlo badan lana doonayo in lala dhaqeeyo gudoomiyaha Cusub oo laftiisu sugayaan howlo badan.

Dr Cali Xaji Warsame ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha cusub ay horyaalaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin kalsoonida golaha wakiilada ,shacabka Puntland caqabado dhaqaale iyo xiriirka DFS iyo Puntland .

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/inta52qt6u/dr_cali.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online