Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

November 7, 2015 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan “Jawaari” ayaa ka tacsiyadeeyey geeerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid allaha u naxariistee Xoghayaha guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo gacan ka xaq daran sababsaday, waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo, si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa qoyska,carruurta iyo shacabka uu metelayey”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sidoo kale Alle ka baryey in samir iyo iimaan uu Alle naga wada siiyo Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaana uu dhanka kale ka dalbaday hay’adaha ammaanka oo hada ku howlan baaritaan iney jawaab deg deg ah ka keenaan falkaasi dilka ah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online