Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay doorashada Axmed Xaashi
November 9, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland taas oo maanta ka dhacday xarunta dowlada Puntland.
Siciid Xassan Shire Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dawladda Puntland ayaa waxaa uu sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray Axmed Cali Xaashi wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu la shaqeyn doono.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa waxaa uu sheegay in Gudoomiyaha cusub uu khibrad u leeyahay xilka loo doortay uusana u baahneyn dardaaran balse loo baahan yahay in lala shaqeeyo.
Siciid Xassan Shire Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dawladda Puntland ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono harumarka Puntland uuna ku sugnaan doono deegaanada Puntland .
M_M Deeq
Halgan.net