Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaiyeed oo ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Gaalkacyo.[Masawiro]
November 4, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Sheekh Bashiir Axmed Saaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada dalka Soomaaliyeed, ahna amiirka jamaacada Al-ictisaam bil kitaab wassunnah ayaa maanta waxaa uu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Cabduaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaiyeed Sheekh Bashiir Axmed ayaa ku sugnaa maalmihii a soo dhaafay Gobolka Mudug ka dib markii uu ka qayb galay caleema-saarkii Suldaan C/qani Qorane Axmed. Gudoomiyaha Hay’adda cuimada Soomaaiyeed Sheekh Bashiir Axmed ayaa intii uu ku sugnaa Gobolka Mudug waxaa uu soo booqday magaalooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo, wuxuuna kulamo la yeeshay ducaada, isla markaasna wuxuu bixiyey duruus cilmi ah.
Sheekha oo ku soo barbaaray magaalada Gaalkacyo, kuna bartay Qur’aanka, kagana baxay dugsiga /hoose ayaa booqday xarumo waxbarasho, dacwo iyo diimeed oo uu ka mid yahay masjid jaamicii qadiimka ahaa ee Timire. Gudoomiyaha Hay’adda cuimada Soomaaiyeed Sheekh Bashiir Axmed ayaa booqashooyinkaas ka dib wuxuu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo saldhig u ah, waxaana sii sagootiyey qaar ka mid ah culimada iyo aqoonyahanka gobolka Mudug.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net