Is badal kooban oo lagu sameeyey Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka

November 23, 2015 - Written by Editor

rw1Muqdisho:-Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane.

Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sidoo kale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xassan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online