Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug
November 30, 2015 - Written by EditorMadaxweyneyaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug halkaas oo ay ka socdaan dadaalo lagu nabadeeynayo dadka walaalaha ah oo ay shaqaaqadu ku dhexmartay magaalada Gaalkacyo.
Shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sababatay khasaaro leh dhimasho dhaawac barakac iyo hanti burburtay waxaana dagaalka hurinayey siyaasiyiin dano gaara ka leh colaada beelaha oodwadaaga ah.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay ugu sugnaa mas’uuliyiin ka kala tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada Galmudug iyo Koonfur-galbeed waxaana loo balansan yahay shir nabadeed oo lagu qabto magaalada Gaalkacyo.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay masuuliinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ,waxaa kale oo uu sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay Isimada iyo nabadoonada labada dhinac ee waqooyi iyo Koonfurta Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa waxaa ay kulan albaabada u xiran yihiin la qaateen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Isim si weyn looga qadariyo Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net