Madaxwaynaha Puntland oo u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.[Masawiro]

November 9, 2015 - Written by Editor

IMG_6545Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo si dimuqraadiyad ah ugu guulaystay doorashada .

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul iyo horumar ay gaareen shacabka Puntland.

” Umadda Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaa ay kaa rajeynayaan dadaal ,ka shaqeynta horumarka iyo midnimada Puntland, Golaha wakiilada waxaa ay ka rejyn in shaqadii loo idmaday sidii ay aheyd u gutaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

” Sidoo kale waxaan u hambalyeyn xildhibaanadii kale ee tartamay , xilkasnimo ayey muujiyeen , guushana dabcan mar hadii la tartamo qof ayaa ku guulaysta , xildhibaanadana waxaan u rajeyn kheyr ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Puntland Siciid Xassan Shire , oo uu ku amaanay dadaalki shaqo ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey.

” Doorashadii maanta ka dhacday Baarlamaanka waxaa ay muujinaysaa dimuqrasiyadda gaamurtay ee ay Puntland ku talaabsatay , bisaylka siyaasadeed ee ay gaareen sidoo kale shacabku ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online