Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Daahfuray mashruuca daadejinta adeegga wadooyinka Puntland.[Masawiro]

November 11, 2015 - Written by Editor

IMG_6655Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-11-2015 si rasmi ah xariga uga jaray mashruuca daadejinta adeegga wadooyinka Puntland . Ugu horeyn madaxweynuhu waxaa uu xariga ka jaray aargo iyo dhisme masaajid oo Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ku dhisatay Barnaamijka isku tashiga Puntland .

Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu hoolka shirarka ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ku daah furay mashruuca daadejinta adeegga wadooyinka Puntland , oo ah mashruuc horumarineed laguna bilaabayo degmooyinka Garoowe iyo Qardho.

” Hadii aan la helin wado fiican ama aan la dayactirin wadooyinkii hore wax horumr ah oo la gaarayo ma jirto, kaabayaasha dhaqaalaha aan sheegayana kama soo harto jid , ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey daahfurka mashruucaan , waxaana uu sheegay inuu rajeynayo in degmooyinka kale ee Puntland laga fuliyo si adeegga bulshada si siman dalka u gaaro .

” Mahaariicdaan ay hay’aduhu fulinayaan waa wakhti kooban , marka waxaa larabaa inaynu qorshe sameysano , qorshahaasina waxaa uu noqonayaa inaynu isku tashano ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

Gudoomiyaasha Degmooyinka Garoowe iyo Qardho ayaa madaxweynaha hortiisa ku saxiixay mashruucaan oo ay iska kaashanaayaan fulintiisa Dawladda Puntland iyo Barnaamijka JPLG .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online