Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Furay Shirka Wadatashiga Hiigsiga 2016

November 16, 2015 - Written by Editor

IMG_7368Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 16 2015 ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Geeddi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 kaas oo ka furmay magaalada Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland .

Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee caasimadda Garowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Issimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Kulankan ayaa maanta ka furmay degmooyinka Galkacayo, Qardho, Boosaaso, Badhan iyo degmada Tukka-raq ee Dawladda Puntland waxaana ka qayb galay ergooyin dhan 600 oo ergay , kuwaas ka kala socda qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah ee deegaanada Puntland,

Shirkan wada wada tashiga ee ka furmay maanta Gobolada Dawladda Puntland ayaa socon doona mudo laba maalmood ah waxaana looga tashan doonaa qaabka ugu sahlan ee doorasho uga ka dhici karto Soomaaliya 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad kala guur ah loona baahan yahay in taxadar laga muujiyo meeshii Bulshada Soomaaliyeed ay uga guuri lahayd qaab dhismeedka nidaamka Dawladnimo ee 4.5 .

no images were found

Dawladda Puntland ayaa waqti kasta u heelan dib u dhiska guud ahaan dalkeena Soomaaliya iyadoo kaalin mug weyn ka gaysatay Dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya waxayna wali ku howlan tahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan Dawlnimo taam oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan isla markaana laga gudbo nidaamka salka ku haya wax qaybsiga qabiilka ee 4.5  .

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online