Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiska ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.[Masawiro]
November 25, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Nov-2015 Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway. Waxyaabihii kulankaasi looga wada hadlay ayaa waxa akami mid ahaa dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda UNDP ka fuliso Puntland , Caawimaadda ay UNDP siiso Wasaaradda Caddaaladda iyo horumarinta Jeelasha Puntland.
Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway ayaa Sheegay inay sii xoojiyanayaa Taageerada ay siiso tayyayna Jeelasha Puntland , iyo kor uqaadida waxbarashada gaara ahaan kulliyadda Sharciga oo ay UNDP ka caawiso Jaamacadda PSU.
Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNDP ayaa sheegay inay bilaabeen inay bixiyaan tababarro laxiriira Dhallinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadohooda shaqo si looga hortago Tahriibka iyo Dembiyada kale isla mar ahaantaana lagu dhiiri geliyo Dhallinyarada sidii ay u samayn lahaayeen wax soo saar.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa kula dardaarmay Hay’adda UNDP inay sii xoojiyaana shaqooyinka baaxadda leh ee ay kawado Puntland gaar ahaan taageera ay UNDP siisiyo Jeelasha, Caddaaladda iyo Kor uqaadida Sharciga, si looga badbaado falalka liddiga ku ah nolosha iyo horumarka.
–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.