Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya
November 25, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa maanta 25-Nov-2015 Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Raheel Nasir Chaudhary. Kulankaas oo looga wada hadlayey dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda Care kafuliso Puntland iyo sii xoojinta Xidhiidhka kadhexeeya Puntland iyo Hay’adda Care, korna loogu qaadi lahaa mashaariicda ay hay’addu kafuliso Puntland.
Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya Mudane Raheel Nasir ayaa dhankiisa ka warbixiyey hawlaha iyo shaqooyinka ay hay’addu kaqabato Puntland sida Tayyaynta Waxbarashada Aasaasiga ah oo ay kamidka tahay farsamada gacanta oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah uleedahay wax soosaarka iyo Horumarka Puntland.
Sidookale Raheel Nasir ayaa sheegay inay Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan Ciidamada ilaalinta Deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta Deegaanka, iyo Buuxinta Boholaha, Qaabaynta Harooyinka, iyo Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.
Masuulkan ayaa tibaaxay inay hay’addoodu bixiso Tababarro DIbadda ah,kuwaas oo laxidhiidha ilaalinta deegaanka si loo tayyeeyo korna loogu qaado ilaalinta Nabaad guurka, Xaalufinta Deegaank, dayactirka Boholaha iyo ilaalinta Dabar goynta Duurjoogta.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ku booorriyey dar-dargelinta iyo kor uqaadidda Adeegyada Bulshada iyo ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta islamarkaasi tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in hay’adda Care dhug u yeelato Deegaanka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah ee marar bada saamayn kuyeesha Nolosha Aadanaha, duurjoogta iyo guud ahaanba Deenkaanka Puntland.
–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.