Madaxweynaha Dawladda Puntland xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil ka socotay Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ.[Masawiro]

November 16, 2015 - Written by Editor

IMG_7595Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 16 2015 howgiisa ku qaabilay saraakiil kala duwan oo ka socday hay’adda kaalmada Jarmalka ee GIZ, hay’addaas oo Dawladda Puntland ka taageeraysa Mashruuca dayac tirka wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, saraakiishaas ayaa kala ah Christoph Schmidt iyo Mark Patrick Deasy.Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas iyo saraakiisha hay’adda uu la kulmay ayaa wada qaatay shir muhiim ah kaasi oo socday mudo kooban, waxayna ka wada hadleen meesha uu marayo mashruuca lagu hagaajinayo jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa in Mashruucaasi uu muhiimah weyn u leeyahay Dawladda Puntland, isla markaana uu si dhow ula socon doono fulinta mashruucaas isagoo ku adkeeyey Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ in laga dhabeeyo waqtigii loogu tala galay higelinta mashruucaasi.

Saraakiisha Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ  ayaa sheegay in mashruuca dayac tirka wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Galkacyo ay bilaabi doonaan xilli dhow isla markaana intaa ku daray in isla bishan gudeheeda ay ka howl geli doonaan fulinta iyo dhamaystirka mashruucan oo dhowaan bilabmi doona.

no images were found

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online