Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay guddiga qiimaynta khasaarihii duufaanada MEGH
November 11, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka magacaabay guddiga qiimeeya Khasaarihii ka dhashay Duufaanihii ku dhuftay deegaanada ku yaal Xeebaha Gobolka Bari ee Puntland. Duufaanaha ku dhuftay deegaanada ku yaal Xeebaha Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay geysteen khasaaro soo gaaray Agabka lagu kauumaysto iyo weliba Qoysas fara badan oo ka barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen.
Madaxda Dwladda Puntland iyo hay’addaha samafalka maxaliga ah ayaa bilaabay in ay iska kaashadaan gurmadka loo fidinayo qoysaska faraha badan ee ka barakacay deegaanadii ay deganaayeen.
Hoos ka Akhri Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta magacaabay guddiga qiimaynta duufaanada MEGH
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net