Madaxweynaha dowladda Puntland oo u dhoofay magaalada Abu dubai[Masawiro]

November 1, 2015 - Written by Editor

IMG_5503Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa manta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug , iyagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wefdiga Madaxweynaha oo isugu jira Wasiiro , Xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyada ka tirsan ayaa waxaa garoonka ku  sii sagootiyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo inta uusan ka amababixin garoonka diyaaradaha  la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo martiqaad rasmi ah oo uu kahelay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha oo halkaasi ku sugnaan doona muddo kooban ayaa  waxaa uu kulamo laqaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi, waxaana uu kala hadli doona sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee dawladda isutagga imaaraadka carubtu ka fuliso Puntland iyo adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee kadhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta .

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntand kafulisa mashaariic horumarineed  oo ay kamid yihiin Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ladagaallanka Burcad Badeedka.

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinra, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online