Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo gaaray magaalada Garoowe
November 29, 2015 - Written by EditorWafdii u hoggaaminayo madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland General Fartaag, wasiirka arrimaha gudaha General Darwiish, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubaland iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu qeyb ka noqdo dadaallada socda ee la doonayo in lagu joojiyo colaadda ka jirta gobalka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo taas uu u dhexeysa dadka walaalaha ee magaaladaasi ku nool magaalada Gaalkacyo.
Wafdii u hoggaaminayo madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulamo la qaatay madaxda Puntland waxaan la filayaa in uu u sii gudbo magaalada Gaalkacy ee xarunta gobalka Mudug.
M_M Deeq
Halgan.net