Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America

November 10, 2015 - Written by Editor

Xasan_ShmaxamuudMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaa oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta.

Ka hor booqashada uu ku tegey Sacuudiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Jamhuriyadda Djibouti iyo Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo kulamadaasi looga hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga.

Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti, Uganda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa tilmaameysa dib u soo kabashada Soomaaliya: sida guulaha laga gaarey ciribtirka kooxda Al Shabaab, dib u soo celinta nabadda, si waddanka looga dhigo mid horumarsan, barwaaqeysan, doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka intiisa kale.

– DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online