Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.[Masawiro]

November 5, 2015 - Written by Editor

IMG_5833Garoowe:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayey  safar shaqana ugu maqnaa dalka Isutagga imaaraadka carabka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-11-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wefdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdisalaan, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan isugana jiray rag iyo dumar kuna labisanaa calanka Puntland iyo kan Soomaaliya ayaa iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wefdiga balaaran ee uu hogaaminayey.

Cutubyo katirsan ciidanka Puntland iyo kooxda baambayda ayaa Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay garoonka, waxaana uu mid mid u salaamay masuuliyiintii iyo shacabkii ka qeyb-qaadaneyey soo dhaweyntiisa.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loo gudbiyey aqalka madaxtooyada Puntland, waxaa uu halkaasi kula hadlay warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo uu uga  warbixiyey safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

” aad iyo aad ayaan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweynta aan loo kala harin ee nagu soo dhaweyseen aniga iyo wefdiga aan hogaaminayey dhowrka cishana ku maqnaa wadanka isutagga imaaraadka carabta ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Madaxda wadankaasi waxaanu ka soo wada hadalnay arrimo la xiriira xagga nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha , waxaana uu safarkaasi ahaa safar aad muhiim noogu ah aan rajeynayana inuu sii adkeeyo xiriirka Puntland iyo isutagga imaaraadka carabta ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Puntland u rajeeyey guul, midnimo iyo wadajir , waxaana uu ku amaanay doorka wanaagsan ee ay had iyo jeer ka qaataan Nabadda iyo kala dambeynta Puntland ku hanaqaaday.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online