Madaxweyne Shariif Xassan oo furay Shir wadatashi ah oo ku saabsan hiigsiga 2016
November 16, 2015 - Written by EditorBaydhabo:-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa ka furmay Kulan wadatashi ah oo ku saabsan hiigsiga 2016-ka iyo habka ay doorashooyin uga dhici karaan Sooomaaliya.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed Sheriif Xasan Sh.Aden waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan DFS oo ay hogaaminayso Sahra Maxamed Cali Samatar Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya .
Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo wada-tashi ah oo lala yeelanayo maamul goboleedyada iyo dadweynaha ku dhaqan gobalada kala duwan ee dalka si ay uga talo bixiyaan qaabka looga gudbi karo ama ay u dhici karto doorashada 2016 ka.
Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar oo warbaahinta la hadashay ayaa ku amaantay shacabka ku dhaqan goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ay yihiin dad u bisil shirka wadatashiga ee mustaqbalka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net