Muxaadaradii Sh Dr Bashiir Axmed Salaad uu ka jeediyey Masjid Jaamica Galdogob.[Daawo Video]
November 2, 2015 - Written by EditorGaldogob:-Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adda culumada dalka Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha jamaacada Al-ictisaam oo safar dacwo ku gaaray degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu muxaadaro uu ugu magacdaray ”Asbaabu Najaah ama Sababah lagu badbaado” waxaa uu ka jeediyey Masjid jaamaca degmada Galdogob waxaana ka soo qayb galay dadweyne fara badan.
Sh.Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa markii uu tegay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa si weyn u soo dhaweeyey Culimada , ducaada ,masuuliyiinta Mu’ssadda Al-minhaaj ,Maamulka a Degmada iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.
Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa maalin ka hor inta uusan soo gaarin degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa uu ka soo qayb galay Caleemasaarkii Suldaan Cabdi Qani Qorane Axmed , Shiikha ayaa waxaa uu u soo gudbay degmada Galdogob isla haabeenkiiba isagoo Salaada subax ka dib kulan gaar ah la qaatay Ducaada hawlwadeenada Mu’assasada qaybo ka mid ah.
no images were found
Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed ayaa intii uu ku suganaa degada Galdogob waxaa uu booqday dhowr Iskuul oo uu ka mid yahay iskuulka Galdogob ee sare.
Isla Barqanimadii ayaa Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed waxaa kulan kale uu la qaatay hogaanka dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulka degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaan uu u jeediyey waano guud.
Gudomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed ayaa Salaadii duhur ka dib waxaa qado sharaf u sameeyey culimada iyo ducaad degmada Galdogob oo ay iska waraysteen xaalada guud ee dacwada iyo siddii loo xoojin lahaa Dacwada.
Gudomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed ayaa salaadii Casar ka dib waxaa uu uu qabtay siminaar dacwada ah oo ay ka faaiidaysteen ku dhawaad ilaa 60 daaci oo rag iyo dumar isugu jiray.
Hoos Ka Daawo muxaadaradii Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Masjid Jaamac Galdogob
Hoos ka Daawo Su’aalo & Jawaabaha Sh. Dr.Bashir Axmed Salaad Masjid Jaamac Galdogob
M_M_Deeq
Halgan.net