Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka baaqday socdaalkii uu ku tagi lahaa Gaalkacyo

November 26, 2015 - Written by Editor

sharmaarkeRa’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana la filayey in uu ka qeyb qaato dadaalada lagu xalinayo xiisada ka dhex aloosan Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelin doona wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan wili ka hadlin baaqashada wafdiga Raisulwasaaraha DFS waxaana warar hoose sheegayaan in Madaxda Puntland iyo Raisulwassare Sharmaarke ay isla qaateen in socdaalka dib loo dhigo walow aan si rasmi ah warkaas loo xaqiijin.

Waxgaradka iyo Nabadoonada oo ay weheliyaan culumada ayaa wada dadaal lagu baajinayo in wax colaada oo danbe ay ka dhacdo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug .
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online