Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA.[Dhagayso]

November 11, 2015 - Written by Editor

sharmaakeLondon:-Magaalada Valleta ee Jaziiradda Malta waxaa maanta ka furmay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa qaaradda Africa iyadoo shirkaasi diiradda lagu saarayo sidii dhaqaale iyo gargaar loogu fidin lahaa qaaradda si loo yareeyo qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda si ay usoo gaaraan Yurub.

Madaxda kulankaasi ka qaybgalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Hadaba wariyaha VOA-da, Ridwaan Haji Cabdiwali oo ku sugan Istuudiyaha VOA ee London ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uu wax ka weydiiyay go’aanada ad-adag ee Finland ay ka qaadatay qaxootiga Soomaalida, amniga, waxyaabhihii uu kala hadlay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo sida dawladdu u aragto wararka sheegaya in dawladda Kenya ay ku durugtay xaduudka barri ee Soomaaliya ay la wadaagto.

Marka horee waxaa uu ka hadlayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxyaabaha looga hadlayo shirka ka socda caasimadda Jaziiradda Malta ee Valleta.

Hoos ka dhagayso wareysi: Ra’iisul Wasaaraha DFS Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

Source: VOA

Leave a comment

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online