RW. Sharmarke oo ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurhan.

November 8, 2015 - Written by Editor

sharmaarkeRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii, saaxiibada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan.

Xildhibaan Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa degmada Xamar Wayne ee magaalada Muqdisho. Wuxuna Ra’iisul Wasaaruhu Eebe ugu baryey marxuumka in uu jannaadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan Tacsi u dirayaa qoysaskii, saaxiibada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan. Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu naxariisto, marxuumka waxaa dilay kooxo arxan daran oo banaystay daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke.

—-Dhammaad—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online