R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo dalka dib ugu soo laabtay

November 14, 2015 - Written by Editor

rw-m-696x464Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqasho ay ku tageen dalalka Kenya, Mareykanka iyo Malta. Waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qeyb galay shirar muhiim u ah Soomaaliy. Isagoo xusay intii uu joogay dalka Kenya uu booqday Xerada ugu weyn Qaxootiga Adduunka ee Dhadhaab halkaas oo kula kulmay dadkii Soomaaliyeed ee daganaa, iyadoo uu xusay R/Wasaaruhu in uu arkay dad Soomaaliyeed u diyaarsan dalkooda in ay dib ugu soo laabtaan.

Dhanka kale R/Wasaaraha ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, waxana ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo arrimaha Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuurgalnay xaaladdaha ay ku suganyihiin dadkeennu, runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’antahay in ay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan”. Ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Waxana shirkaas diiradda lagu saaray Hiigsiga 2016 sidii loo dar dargelin lahaa dhamaystirkiisa, iyadoo dhanka kale Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay horumarka ay sameysay muddooyinkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in guul uu ku soo dhamaaday shirkii looga hadlayay yareynta qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda. Iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu shirka ka soo jeediyey in wax laga qabto sababaha keenaya qulqulka muhaajiriinta.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online