Sh. Bashiir Shiil oo caawa muxaadaro ka jeedinaya Masjidka Al-Hidaaya (Dhamaad)
November 17, 2015 - Written by EditorNairobi:-Sh. Bashiir Shiil oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed safar gaabanna ku jooga magaalada Nairobi, ayaa caawa waxa uu muxaadaro ku qabanayaa masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi.
Muxaadarada sheekha ayaa waxa uu uga hadli doonaa qisadii dhex martay Nabi Suleymaan iyo shimbirkii hud hud, waxaana muxaadaradu ay dhaceysaa bacdal makhribka haddii Illaahay idmo.
Muxaarada ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda Ixsaan ee horumarinta bulshada, gaar ahaan maamulka isku xirka masaajiddada Soomaalida ee dalka Kenya.
Hay’adda Ixsaan ayaa waxay waddaa dhaq-dhaqaaqyo horumarin iyo wacyi-gelin ah oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed.
Muxaadarda Sh Bashiir Shiil ayaa waxaa ay si live uga bixi doontaa Radio Halgan iyo Radio Al-Xikma oo inta badan laga dhageysto Deegaanada Puntland.
Akhristayaasha sharafta leh ee Halgan.net waxaa ay si toos ah uga dhageysan karaan Radio Halgan Live idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland waxaana ay idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .
Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabisa Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada Soomaaliyeed waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.
Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin
Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma
Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Maamulka Radio Halgan Live