Sh.Bilal Philips oo la kulmay Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garowe.[Masawiro]

November 11, 2015 - Written by Editor

DSC09467Garoowe:-Kulankan wuxuu ka dhacay Madasha Shirarka ee Jaamacada waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday Dowladda, Maamulka, Macalimiinta iyo dhamaan ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Garowe waxaana lagu soo dhaweynayey Sheekh Bilal Philips.

Sheekh Bilal Philips oo ah Sheekh Jamekaan ah diinta Islaamkana qaatay Sanadkii 1972 ayaa ka hadlay Mowduuc ku saabsan Ardayga iyo kaalinta uu ku leeyahay diinta Islaamka.

Hadii aad si daacad ah wax u barataan qayaanada ka fogaataan alle ka cabsiga badisaan diinta ku adkaataan waa hubaal inaad isbedel ku samayn kartaan Soomaliya idinka ayeeyna Soomaaliya idin sugaysaa,aniga waxaan ahaa Kirishtaan laakiin allah ayaa sababay inaan muslin noqdo oo idin soo hor istaago sidaa darteed waxaa iga codsi ah inaan la dagaalanno musuqa dulmiga dhagarta iyo Xaasidnimada kuna adkaano waxbarashada iyo diinteena suuban.

Maamule ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe C/raxmaan Ibrahim Bindiiriye ayaa ka mahadcelisay socdaalka Sheekh Bilaal ee Puntland ka dib markii ay casumaad u fidisay Jaamacada Bariga Afrika si uu aqoontiisa ula wadaago Ardayda Reer Puntland isla markaana uu heshiis ula saxiixdo Jaamacada.

Ardayda Jaamacada ee Goob jooga u ahaa kulankan ayaa sheegay in ay wax badan oo Diini iyo Maadi isugu jira ay ka faa’iideen Sheekh Bilaal waxayna balan qaadeen in ay fulin doonaan balamihii uu la galay, sidoo kale 3bil kadib ayaa la filayaa in sheekh bilaal uu dib ugu soo laabto Puntland.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online