Siminaar diini ah oo maanta ka bilaabmay Masjidka abuu bakar ee Nairobi
November 23, 2015 - Written by EditorSiminaar diini ah oo lagu qaadanayo maaddooyin kala duwan ayaa berri subax 7:00 xilliga geeska afrika, waxa uu ka bilaaban doonaa masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, waxaana maaddooyinka lagu baranayo ka mid ah:-
1-Maaddada towxiidka.
2-Maaddada fiqiga.
3-Maaddada usuulu fiqiga.
4-Maaddada culuumta xadiithka.
5-Aadaabta barashada cilmiga.
Macalimiinta duruusta ka bixineysa siminaarka ayaa kala ah:-
1-Sh. Maxamed Umal.
2-Sh. Maxamuud Shibli.
3-Sh. Bashiir Shiil.
4-Dr. Aadam Sh. Cali.
5-Dr. Cabdicasiis Cali Axmed.
Siminaarka ayaa socon doona laba toddobaad haddii Illaahay idmo, waxaana ka faa’iideysan doona ardo badan oo kuwa cilmiga raacda ka mid ah.
no images were found
Siminaarka ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Ixsaan ee horumainta bulshada, waxaanna hay’addu ku howlan tahay barnaamijyo badan oo ay kor ugu qaadeyso aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.
Halgan.net
Nairobi
Musasat Al-Ixsaan