Wasiirka Difaaca DFS oo kormeeray goobta darbiga ay ka dhisayso Kenya.[Masawiro]

November 19, 2015 - Written by Editor

Doolow:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa booqasho qaadatay labo maalin oo loogu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-xaawo waxay ku tageen degmooyinka Dooloow iyo Beled-xaawo.

Socdaalka kadib. Wafdiga ayaa soo saaray qodobadan:

1. In derbi la dhisay noo muuqan

2. In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay

3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m

4. Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.

“Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbadal lagu sameeyey ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno dawladda dhexe iyo cida ay quseyso”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho gelinkii danbe ee maanta, waxaana ay la qeybsan doonaan madaxda sare ee dalka wax walba oo ay ku soo arkeen deegaannadii ay booqdeen.

no images were found

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online